Ra’iisal Wasaaraha DFS oo kulan horudhac ah la qaatay dhiggiisa dalka Yugandha

April 9, 2013 - Written by Editor

DSC_2057_(2)Kampala:-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta booqasho ku yimid dalka Yugandha ayaa wada xaajood dheer oo dhinacyo badan taabtay la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Yugandha Amama Mbabazi. Labada Ra’iisal Wasaare waxay si qotadheer uga wada hadleen arrimaha iskaashiga ee labada wadan, gaar ahaana dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, ayadoo ugu horeyn uu Ra’iisal wasaaruhu ka mahad celiyay doorka suuban ee Yugaandha uga jirto dadaalka sida rasmiga ah loogu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

“Dawladda Yugandha waxaan uga mahadcelinayaa doorkeeda muuqda ee howl-galka nabad illaalinta AMISOM, waxayna aheyd dawladdii u horey say ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay badbaadada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu. Ra’iisal Wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa uu ku marayo wadamada gobolka iyo midkan uu gaar ahaan ku yimid dalka Yugaandha.

no images were found

“Waxaan idiinkugu nimid inaan dardargelino howlaha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, anagoo wadna qorsheyaal cusub oo aanu dooneyno inaan si buuxda ula kaashano AMISOM oo Yugandha kaalinta ugu weyn kaga jirto” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isaga oo intaas ku daray in qatarta argagixiso ee Al-Shabaab aysan aheyn mid la sahlan karo una baahantahay iskaashi buuxa. Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha dalka Yugandha Amama Mbabazi ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay booqashada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna aad u soo dhoweeyey qorshaha cusub ee dawladda ku dooneyso in ay ku soo celiso amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wadahadal u dhexeeya wafdiga Ra’iisal Wasaaraha iyo dawladda Yugaandha ayaa sii socon doona, waxaana qorshaysan in Ra’iisal Wasaaruhu la kulmo madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Mesevini isaga oo kala hadli doona iskaashiga labada dal.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Kampala, Uganda

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online