Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dhiirigaliyay tabobarada ciidanka ee wadanka guddihiisa( Warsaxaafadeed+Masawiro)

April 28, 2013 - Written by Editor

IMG_7378Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta tilaabo dhiiragelin ah u sameeyey askarta cusub ee ciidanka xoogga dalka ee ku jira xerada tababarka Jasiira, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso kun askari.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cali Cabdi Wardheere (Cali-yare), ayaa saaka gaarsiiyay cadad Geel ah oo ah hadiyad ciidanka uga timid Ra’iisal Wasaare Saacid, looguna talagalay in loo qalo ciidankaasi ku jira xerada tababarka ee Jasiira. Waana tilaabo lagu dhiir-galinayo ciidanka, maadaama ay ku jiraan tababar adag oo waqti dheer qaatay. Ciidankan ayaa lagu wadaa in qeybtooda hore uu tabo-barku u xirmo dhamaadka bisha Meey.

Gaashaanle, Faandhe Jaamac Kaarshe oo ah taliyaha dugsiga tababarka ee Jasiira ayaa ka mahadceliyay taakuleynta khaastaa ee katimid Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna xusay in ciidanku ay u baahnaayeen in inta ay ku jiraan tababarka ay helaan taakuleyn toos ah oo ka timid madaxda qaranka.

no images were found

Ciidankan ayaa waxaa halkaasi ku tababaraya saraakiil Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh dhanka tababarka ciidamada, iyadoo la siinayo casharo qaabka dagaalka, difaaca iyo wadaniyadda. Tababarkaan ayaa kii ugu horeeyay ee noociisaa ee ka dhaca dalka gudihiisa intii ka dambaysay 1991. Waxaana ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay horumar laga gaaray dhanka tayaynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee saldhiga u ah hanashada amniga dalka guud ahaan.

DHAMAAD

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online