Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya oo u dhoofay dalka Jabuuti

April 3, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Wafdi uu horkacayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha  ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalalka  ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo Wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa in ay socdaal ku gaaraan dalalka  Ethiopia, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi  oo ah dalalka ciidamadooda u soo diray Soomaaliya .

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Wafdi uu horkacayo ayaa safarkiisa koowaad ku tegi doona dalka Jabuuti waxaan uu uga sii gudbi doonaa dalka Ethiopia isagoo kulamo kula soo qaadan doona Madaxda IGAD iyo EU.

Safarka Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdigiisa ayaa ah kii ugu horeeyey oo uu dalka dibadiisa ku aado waxaan safarkiisa ku weheliya  wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan golahiisa wasiirada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online