Safarkii dacwadeed ee culumada magaalooyinka Odens,Arhus iyo Aalborg (Warbixin)

April 12, 2013 - Written by Editor
8Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamed Idirs Ahmed ayaa waxay socdaalkoodii dacwadeed ku tageen magaalooyin kala duwan oo ku yaal dalka Denmark ka dib markii ay soo mareen magaalada Copenhagan ee xarunta dalka DenmarkSheekh Maxamed Idirs iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo ducaad horkaceysay culumada ayaa waxay u baqooleen magaalada Odense waxayna gaareen 24:30.tariikhduna tahay 10,04,2013. halkaas waxaa aad ugu soo dhaweeyay culumada Sheekh Maxmuud Abuu Dalxa iyo walaalaha dacwada ee magaladaas,..islamarkiiba Abuu Dalxa wuxuu siyay culumada warbixin iyo darsiga beri sida looga faiidaysan karo madaama ay haystaan 3,saacadod kaliya .Subixii markii Rabi nabad nagu soo toosiyay ayaa culumadu aadeen hoolkii ay walaaluhu qabteen, halkaas oo aad loo soo buuxiyay dadkana qaadiwayday,..Saacadu markay ahayd 11:30 halkaas waxaa ka baxay nadwo ay labada sheekh wada galeen,. Ayna kaga hadleen usuusha ugu waaweyn caqiidada iyo iimaanka,akhlaaqada iyo tarbiyada,cibaadada iyo waajibaadka,… kadibna su,aalo ayaa looga jawaabay walaalihii ka soo qaybgalay daruustaas,….

Islamaalintaas saacadu markay ahayd 14:00.kii ayaanu u dhaqaajinay caasimada labaad ee wadanka Denmark ( Arthus) waxaa ku sugayay culumada dad aad u badan oo soo bux dhaafiyay masjidki iyo hoolkii loo qabatay ragga.,.sacadu markay ahayd 17:30.waxaa bilowday muxadaraadkii halkaasoo ay dumarka iyo ragba ay aad u soo buuxdhaafsheen waxaana culumada ay jeediyeen 2muxaadaro iyaga oo sidoo kale ka jawaabay su,aalo badan oo la weydiiyey culumada .

Si kastoo ay u daalnaayeen culumadu safarkuna ka muuqday wajigooda, hadana marnaba ma aysan ka dhexbaxayn inay la joogaan walaalaha soomaaliyeed ee u bahan sharxitaanka diintooda,sidaas darteed ayay bacadal makhrib u qabteen ragga, masjidka dhexdiisa kulan furan oo ay weydiinayeen waxwalba oo qalbigoda ku jira si ay u helaan jawaab waafiya.

Maalintii xigtay ee ay tariikhdu ahayd 11,04,2013. sacaduna ahayd 11:30.qiyastii ayaanu u dhaqajinay casimada 4,afraad ee dalka Danmark ( Aalborg ).waxaan culumada si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Sheekh Mustafa Abuu Rowda oo ah ah sheekha magaalada,islamarkiiba wuxuu guda galay inuu natuso qaybaha iyo sida u yahay masjidka ay iibsadeen iyo sida ay uga faa,idaysteen.

Saacadu markay ahayd,..17:30.waxaa ka dhacaday qacada weyn ee masjidka muxadaro khaas u ahayd dumarka oo ay labada sheekhba ka qayb galeen,.taasoo ku saabsanayd aadaabata xafladaha guurka iyo uguurinta hablaha yaryar iyo qaabka ugu sahlan uguna fican.

Bacdal makhribkii sacadun ahayd 20:50.waxaa noo bilowday muxaadaradii ragga oo kusaabsanayd ( ragga  iyo mushkiladda mas`uuliyadeed.,.) taaso aad loosoo buuxiyay masjidka qaacadisa,..

Maanta oo ay tahay tariikhdu 12,04,2013, waxaa halkaan ka dhoofay sacadu markay ahayd 07:00 Sheekh  Maxamed Abdi Umal Allaha xifdiyee jawaladiisii dacwo halkaas ayay ku dhaamtay.

Waxaa weli nala jooga Sheekh Maxamed idiris xafidahulaah wuxuu ku qoran yahay salaada jumacaha Masjidka  magaalada   Aalborg  iyo muxaadro uu u gali doono dhalinyarada wiilal iyo gabdhoba galabta  inshalaah .

Culumadu Allaha xifdiyee aad bay u wacyigaliyeen wax walba oo manfac iyo dani ugu jirtana way usheegeen shacabkii ay la kulmeen  ,iyaga oo ku booriyey sidoo kale  inay ku xirmaan culumadoda,kana amarqataan adecaana lana sheqeeyaan mas,uuliyiinta maraakista ilaaliyaana midnimadooda.

Waxay u dardaarmeen Alle kacabsi,dulqaad,sabir,ismaqal,iscaawin,iyo waddamada aanu joogno inan wax kaqabsano  aygoo tusaalooyin badan u soo qadanayay magaaloyinka kale ee ay soo mareen waxa ay ku soo arkeen,.,..

Waxaan aad ugu mahad celinayaa walaalihii suurta galiyay imaantinka culumada una khidmeyay khasatan bahda Masjidu Tawaxiid  iyo sheekhooda Sheekh C/raxmaan Abyad iyo gudiga dacwada ee Masjidka Al-tawxiid .

Waxaan aad ugu mahad celinaynaa  sidoo kale  wiilki aadka u da,da yaraa oo culumada ku soo dhaweeyay gurigiisa,..una khidmeyay magalada Arhus,..Allaha barkeyo isaga qoyskiisa ,..waa wiil ku dayasho mudan runtii .

Waxaan u mahadcelinayaa akhiran wallahii aadka noogusoo dhaweyay magalooyinkii aanu tagnay,oo ay ugu horeyaan walaalaha maamulayay maraakista iskuna duba ridayay qacooyinka iyo masajidada ay ka baxaysay daruustu,…. iyo Halgan.net oo si live ah u tabineysay duruusta culumada

Fariiq iclaamiga ee Masjidka Al-Tawxiid ee la socday culumada Masawirada dib baan idiinku soo gudbin doonaa inshalaaah.

Halgan.net/Daarulcilmi.net 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online