Sh Maxamed Ibraahim Shakuul oo sheegay in uu u taagan yahay madaxtinimada J/land

April 4, 2013 - Written by Editor

shakuulKismaayo:-Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah ducaada iyo ganacsatada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa sheegay in uu u taagan yahay qabashada xilka madaxtinnimo ee maamulka Jubbaland State waxaana uu hadalkaas sheegay mar uu maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoos.

Sheekh Ibraahim Shakuul ayaa sheegay oo in haddii loo doorto xilka madaxtinnimo ee maamulka Jubbaland uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, caddaaladda iyo horumarka.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey ganacsato kale kuwaas oo ka soo raacay magaalada Nairobi waxaana garoonka ku soo dhaweeyey madaxda maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo.

Hoos Ka Daawo Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo sheegay in uu u taagan yahay madaxtinnimo  maamulka Jubbaland state

Cabdi Yare
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. HAduu kheer isaga iyo mujtamaca Somaliyeedba ugu jiro Allah ha ku guuleeyo hana u fududeeyo hadii kalina mid ka kheyr badan shacabka Allaha ugu badalo asagana wax diintiisa iyo adunyadiisa uga kheyr badan madaxtinimadaan ha ugu badalo aamiin

Leave a comment

*