Sheekh.Bashiir Axmed Salaad oo saxaafada la hadlay.[Daawo Maqal iyo Muuqaal]

April 8, 2013 - Written by Editor

qaraxGuddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh.Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay qaraxii maanta la doonayey in lagu khaarajiyo, Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa xusay in aysan jirin cid uu ka galay danbi balse wax loo beegsaday isaga ama loo dilay culimada dalka Soomaaliyeed ay tahay xaqa ay sheegayaan iyo dad Sooomaaliyeed oo kalsooni ku qaba.

Sheekh Bahsiir Axmed Salaad ayaa xusay in dilalka qorshaysan ee culimadii ka horaysay oo ay ugu danbeeyeeen Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo isaga oo salaad tukanaya lagu dhex dilay Masjidka Badar ee Garoowe iyo Sh Dr Xamed Xaaji Cabdiraxmaan oo isagana lagu dilay xili uu ka soo baxay Salaadii Subaxa isaga oo sooma Masjidka Bin Cali ee magaalada Boosaaso ay tahay qorsho la doonayo in culimada xaqa sheegaysa oo dadku dhagaysanayo la doonayo in lagu aamusiyo ama haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in diinta oo loo dhinto ama iyada darteed qof loo dilo ay tahay  wax ugu sharaf badan rag culimo ah oo Soomaaliyeed ay isaga ugu horeeyey ay jiraan oo la dilay ayna ugu danbeeyeen Sh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo culimadii kale ee lagu dilay Muqdisho oo aan ka xusi karno Sh Maxamed Tahliil Allaha u naxariistee.

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa farta ku fiiqay  Ururka Al-shabaab in ay yihiin kuwa ka danbeeyey qarax oo uu tuhunsan yahay balse ay socoto weli baaritaan.

Dhinac kale guddoomiye ku xigeenka Hay,adda culimada Soomaaliyeed Sh Nuur Baaruud Gurxan allaha dhowree ayaa xusay in urruka Al-shabaab ay yihiin kuwa qaraxyada iyo dilalka ku fuliya culimada isagoo si gaar ah u xusay  Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo Sheek Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo 2-duba ay dileen kooxda amniyaadka ee ka amar qaata hogaamiyaha urruka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, sidda ay cadeeyeen culimada ku nool degaanada Puntlland iyo beelaha ay ka dhasheen 2-da sheekh .

Hoos ka Daawo Sh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlaya Saxaafada  gaar ahaan Tv-ga SomaliChannel

Halgan.net/Somalichannel.tv

 

 

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online