Sheekh Maxamud Shibili oo xalay muxaadaro ka jeediyay Jigjiga (Masawiro)
April 5, 2013 - Written by EditorJigjiga:-Sheekh Maxamuud Shible oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee socdaal dacwo ku jooga magaalada Jigjiga ayaa xalay muxaadro ka jeediyay masaajidka jaamaca ee magaalada jigjiga , muxaadaradan oo ay kasoo qaybgaleen dadwayne aad ubadan ayaa cinwaan keedu ahaa Aayada qur,aanka ee Qul haadihi sabiilii adcuu ilalaahi calaa basiirah.
Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu ka hadlay in ilaahay lagucaabudo aqoon taasoo qofkasta oo muslim,ah cibaadadiisu ay kuxidhantay in uu aqoon uleeyahay siduu ilaahay ucaabudilahaa, iyada oo ruuxwalba oo muslim,ahin uu ubaahanyahay inuu diintanta islaamka barto waxuuna ku booriyay bulshadii ka sooqayb gashay in diinta labarto taasoo waajib ku,ah qof walaba oo sheeganaya islaam, rabana in uu ilaahay,sifiican ucaabudo .
Sheekh ayaa markii uu soo gabagabeeyey muxaadarada waxaa la weydiiyey su,aalo aad u tiro badan wuxuuna uga jawaabay sheekhu si wanaagsan oo ay dadweynihii ka soo qeybgalay muxaadarada aad ugu riyaaqeen.
no images were found
Sheekh Maxamuud Shible ayaa mudo ku sugan magaalada Jigjiga ,isag oo dacwo iyo muxaadarooyin ka jeediyey magaalooyinka kala,ah jigjiga ,Goday,Diridhabo,Qarbri daharo.
Dhanca kale waxaa aad ugudiirsay imaatinka Sheekh Maxamuud Shible bulshada soomaaliyeed ee kunool deegaanka soomaalida,iyaga oo kafaa iidaysanaya kutubta iyo muxaadaraadka sheekhu uu ka wado deegaanka.
Sheekh Maxamuud Shible ayaa maanta muxaadaro kale ka jeedin doona Masaajidka Al-raxma ee magaalada jigjiga wuxuuna u jeedin doonaa inshalaah dumar .
Muxaadaraadkan iyo nashaadka dacwada ee sida xawliga uga socda deegaanka ay degan yihiin Soomaalida ayaa waxaa soo abaabushay hay,adda waxbarashada iyo dacwada DDSI ee Al-Sunna .
Waxii faah faahin ,ah ee ka soo baxay muxaadaradaa dumarka waan idin la soosocodsiin doonaa,in shaa alaah.
Daa,uud Shaafi
Jigjiga
Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
5 Comments so far
Leave a comment
maansha allah ilaahay sheikha habarakeeyo waa uudadaalayaa dadkeenu waa ay u baahanyihiin wax wax u sheega walee halkaas kahay yaa sheikhunaa mohamud
jazakalah
aad ayaan ugu farax sanahay in moxadaro lagu qabto jig jiga waa alla mahadii ma sha allaah wacdiga ha wada culimada hana ka waniyaan dhalin yarada in maskaxda laga qaldo uu marakaas umada laayo hadii sifiican wax loogu sheego waa laga badbadaa
waad mahad san tihiin halgan.net
wada dadaalka qawarijta looga hortegayo wabilaahi towfiiq
maasha allaahu culimada alla ha barakeeyo
ummu axmeed waa runtaa meel dacwaddu waxay u baahantahay amni iyo degenaansho si dadku u maqlaan hadalka xaqqa ah una kala saaraan wanaagga iyo xumaanta
taasna waxay ka muuqataa intii heshiiska la garalay iyo sida dacwaddu dad badan ugu faaftay jig jiga iyo hareeraheeda
Mashaa allah Shiikheena alle ha barakeyo.
Waa mahad ILAAHAY haddii culumadii ay maanta dadkoodii dacwada gaarsiin karaan, ILAAHAY ha barakeeyo intii ka shaqaysay in colaadii ka jirtay goboladaas ay dhammaatay… Sheekhana geesinimo ayuu muujiyay.