Smalisat Tv iyo Xassaan Xuseen oo sheekeystay

April 6, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Waayahaan danbe waxa socdey olole loogu gogol xaarayey gumaadka iyo ladagaalanka dadka qiimaha ku leh shacabka soomaliyeed dhexdiisa, oo ay ugu horeeyaan Culimadu, maadaama ay laf dhabar u yihiin toosinta umada dhinaca manhajka diineed, akhlaaqiyaadka iyo islaaxinta bulshada. Arintani waa mid shiddo ku ah ururka Al shabaab oo bilaabay talaabooyin looga hortagayo , sida, in la xumeyo sumcada iyo sharafta culimadu ku leeyiniin bulshadda dhexdeeda iyadoo cirdigooda xadgudub lagu samaynayo looguna yeerayo magacyo aan ku haboonayn sida gaalo raac , cuylumaa’u suu, ama inay maamulada iyo dowlada gacan saar laleeyihiin. Waxaa loo gudbey in lagu sheego inay murtadiin yihiin kadibna waxa la baneeyey dhiigooda.

Waxaa hore u jirey dacaayadaha ka baxa goobaha internetka iyo idaacadaha laakiin waxa ku soo biiray SOMALLISAT TV, oo bilaabay barnaamijyo looga dhaadhicinayo bulshada inay xaq tahay dilka Culimada, gaar ahaan dilkii ugu danbeeyey ee loogaystey Sh. Abddulqadir nuur Farah iyo Dr. Ahmed Haaji Abdirahman. Al shabaab waxay aad u adeegsadaan dadka dhalinta yar iyo wax ma garadka oo ay u sahlan tahay inay ku shubaan fikrado guracan oo diin looga dhigayo, waxay babanaa ku fuliyaan dilalka qorshaysan iyo dacaayadaha hordhaca u ah .

Been Abuur dhan ka ah sheekh Abdulqaadir (Alla ha u naxariisto)

Barnaamij dhawaan ka baxay tvga SOMALISAT ayaa loo dhigay qaab waraysi Sh. Xasaan lala yeeshay, xaqiidu laakiin waxay ahayd in lagu tabriiriyo ficilkii foosha xumaa ee dhawaan sheekh Abdulqaadir N Faarax loogaystey. Sheekh xasaan iyo gaban barnaamijka wada diyaariyey ayaa sheekha ( Alla ha u naxariisto) ku sheegay inuu ka mid ahaa culimo taageersanaa in wadanka lagu soo rogo nidaam federal ah, iyadoo la ogyahay inay ahayd xad gudub been abuur ah oo sheekha loo gaystey dilkiisa kadib.

Tanaaqud iyo hadalka Xassaan oo daqiiqado gudahood iska hor yimid.

Mar uu sheekh xasaan ka hadlayey xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Al shabaab wuxuu sheegay inuusan ka tirsanayn ururkaas Nairobina uu joogo laakiin ay ka dhaxayso kaliya muslinimo, aragti iyo fikradna wadaagano , daqiiqado kama soo wareegin markuu ka hadlay sheekh uu ku tilmaamay inuu katirsan yahay Ictisaam maadaama qofku ururka uu la fikad iyo aragti yahay uu ka tirsan yahay, Afkaarta sheekh xasaan ayaa ah mid lagu yaqaan inuu iska horyimaado, sidii shaacirkaiisoomaaligu u yiri:

حسان يا رمز التناقض هل لكم *** قول رزين ليس فيه تزعزع

أقعد ودع عنك الكرام فلست من *** بين الكرام “ورب أحمد” تربع

أتذم مكث اآلخرين بغربة *** وتبيت في دار الزنوج وتهجع

 

DOODII SUUFIYADA OO MACIIN LAGA DHIGTAY

Sidoo kale barnaamijku waxaa aad looga dareemayey inuu ka dabqaadanayey dood Sheekh Bashir Axmed Salaad ugu caqlicelinayey suufiyada oo ku doodaysa in shabaabku yihiin mirahii Ictisaamka, Sh. Xasaan ayaa laga dareemayey in hadalkiisu ku salaysanaa arintan isagoo leh iyaga ayaan wax ka baranay meeshay nooga tageen ayaan joognaa! Dabcan suufiyadu ma garan karaan in Shabaabku  yihiin kuwa murtadnimo ku xukuma umadda somaaliyeed dhamaan, dhiigoodana banaystay culimo  iyo caamo, masaajida Ilaahayna ka dhigtay goob ay adoomadiisa ka ugaarsadaan.

Dadka qaar ayaa iswaydiinaya waxa ay hal marna u oran waayeen “Allaah ha u naxariisto” marka ay soo qaadayaan magacyada Sheekh Abdulqadir iyo Dr. Axmed allaah ha u naxariistee oo labadaba  shabaabku dileen, laakiin waxaa ka maqan in dhiigoodaba la banaystay!  Waxa kale oo la ogyahay in ummadda ku xiran Shabaabku ay ula shaqeeyaan qaab ikhtiyaari  ah ama ay ku khasban yihiin ( طوعا أو كرها ) waxaan kula talin lahaa dadka barnaamijyada noocaan ah ka shaqaynaya inaysan wadadaan khayr ka helayn ayna joojiyaan haddiiba ay awoodaan.

Waxaa Qoray: Abdirashiid Mohamed

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc
    runtii aad baan ula yaabay markaan barnaamijkaas daawaday waayo wiilka yari wuxuu ahaa uun dhegeyste qiimo badan oo xasaan wuxuu sheego uun madaxa u ruxaya. waxaan kaloo is weydiiyey miyuusan tv gu lahayn cid edit garaysa maadaama uusan barnaamijku live ahayn mulkiilaha tvga kuma ogeyn inuu fikirkaas aaminsanyahay, laakiin wuxuu ku qasban yahay inuu cudurdaar ka bixiyo hadii kale aamuska waxaa laga soo qaadayaa ka raali ahaansho

    wsc

Leave a comment

*