Muxaadaraadkii shalay ay ka jeediyeen Masjid Al-Tawxiid Sheekh Umal iyo Sheekh Maxamed Idiris (Dhageyso)

April 9, 2013 - Written by Editor

dadweyne2Denmark:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamed Idirs Ahmed ayaa socdaal dacwadeed ku yimid shalay magaalada Copenhagen waxaana ay shalay iyo maanta marti u yihiin Masjidka Al-Tawxiid waxaana maalintii shalay ay culumada muxaadarooyin kala duwan u jeediyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku shaqan magaalada Copenhagen.

Masjidka Al-Tawxiid ee magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmarka ayaa shalay waxaa aad u soo buuxdhaafiyey dadweyne aad u tiro badan kuwaas oo si wanaagsan u dhageysanayey muxaadarooyinka culumada iyo tawjiihaadkooda.

Muxaadarada koowaad ayaa waxaa jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah waxaana ku soo dhaweeyey makarafoonka walaal Cabdiwahaab salaad waxaana uu Sheekhu aad ugu dheeraaday tazkiyada nafta iyo nafta la daahiriyo waxaana uu Sheekhu sheegay in naf aan la daahirin laguna xirin diinta iyo alle aysan badbaadi doonin aduun iyo aakhiro.[nggallery id=470]

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa soo arooriyey adilo aad u tiro badan oo ku tirtirsiineysa nafta maslinka in uu xakameeyo naftiisa una hogaamiyo miisaanka sharciga kana fogaado macsida iyo wax alle uu ka reebay.

Hoos ka Dhageyso Tazkiyat Nafsi Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah.[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/w003jqy5s9/sh_umal1.mp3″]
Ama Halkan Mp3

Muxaadarada Labaad ayaa shalay waxaa jeediyey sidoo kale Sheekh Maxamed Idiris Ahmed waxaana Sheekha ku soo dhaweeyey makarafoonka Sheekh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah .

Sheekh Maxamed Idirs Ahmed ayaa waxaa uu ka hadlay muxaadaradiisa asbaabaha laga badbaado fitanta waxaana uu sheekhu sheegay in qu,aanka iyo Sunnada nabigeena Maxmed صلي الله عليه وسلم ay ka digeen fitanta oo ay ugu horeyso in muslimiinta is laayaan iyo in qofka muslinka uu diintiisa ka fitnoobo ama la fududeysto dhiiga muslinka iyo dhibkiisa.

Sheekh Maxamed Idirs Ahmed ayaa waxaa uu soo sardiyey fitnooyinka ay umada Islaamka soo martay iyo sida nimankii Khawaarijta ay u baneysteen dhiiga saxaabada iyaga oo baadilkooda ka dhigaya diin ay alle ugu dhawaanayaan.

Hoos ka Dhageyso Asbaabaha looga hortago Fitanta Sheekh Maxamed Idirs Ahmed (Dhagayso)
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/2f01w43i0s/sh_idirs.mp3″] Ama
Halkaan Mp3

Halgan.net
Copenhagen

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online