Ururka Al-shabaab oo Gabadh ku dilay magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan

April 8, 2013 - Written by Editor

gabHiiraan:-Ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa maanta waxaa ay ku dileen gudah magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan Gabar ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay la shaqayso dowllada Federaalka Sooomaaliya. Ciidan ka Al-shabaab ayaa xukunka ay ku rideen gabadhaan oo da’a deeda lagu qiyaasay ilaa 24 jir ah waxaa ay ku sababeeyeen in ay basaas u ahayd Dowllada Federaalka ee Soomaaliya.

Gabadhaan ayaa waxaa la sheegayaa in ciidanka Al-shabaab ay ka soo qabteen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dibna xukun dil ah lagu fuliyey markii la keenay magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Gabadhaan la dilay ayaa waxaa Ciidanka Al-shabaab ay ku eedeeyeen in safaro kale duwan ay ku tagtay magaalada Muqdsiho, dadka degaanka ayaa saxaafada u sheegay in gabadhaan la dilay ka dibna ay iyagu meydkeeda aaseen.

Masuuliyiinta Ururka Al-shabaab ayaa dhow jeer waxaa ay sheegeen in qofkii ay ku qabtaan in uu la shaqeeyo Dowllada Federaalka Soomaaliya ama Ciidanka AMISOM ay dili doonaa. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta ugu saraysa Ururka Al-shabaab oo ku saabsan  dilka maanta dileen magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan gabadhaan Soonaaliyeed

 A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online