Ururka Al-shabaab oo Gabadh ku dilay magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan

April 8, 2013 - Written by Editor

gabHiiraan:-Ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa maanta waxaa ay ku dileen gudah magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan Gabar ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay la shaqayso dowllada Federaalka Sooomaaliya. Ciidan ka Al-shabaab ayaa xukunka ay ku rideen gabadhaan oo da’a deeda lagu qiyaasay ilaa 24 jir ah waxaa ay ku sababeeyeen in ay basaas u ahayd Dowllada Federaalka ee Soomaaliya.

Gabadhaan ayaa waxaa la sheegayaa in ciidanka Al-shabaab ay ka soo qabteen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dibna xukun dil ah lagu fuliyey markii la keenay magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Gabadhaan la dilay ayaa waxaa Ciidanka Al-shabaab ay ku eedeeyeen in safaro kale duwan ay ku tagtay magaalada Muqdsiho, dadka degaanka ayaa saxaafada u sheegay in gabadhaan la dilay ka dibna ay iyagu meydkeeda aaseen.

Masuuliyiinta Ururka Al-shabaab ayaa dhow jeer waxaa ay sheegeen in qofkii ay ku qabtaan in uu la shaqeeyo Dowllada Federaalka Soomaaliya ama Ciidanka AMISOM ay dili doonaa. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta ugu saraysa Ururka Al-shabaab oo ku saabsan  dilka maanta dileen magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan gabadhaan Soonaaliyeed

 A/cawaale
Halgan.net

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. MAXKAMADI WAA TA RABBI, HADDII DULMI LAGU DILAYNA CIQAABTEEDU WAY SOO DEG-DEGI OO MID RABBI BALAN QAADEY INUU U HIILIYO QOFKA LA DULMIYEY

  2. وإذا الموؤدة سئلت بأي ذنب قتلت

Leave a comment

*