Al-shabaab oo sheegtay weerarkii lagu qaaday Maxkamadda gobolka Banaadir
April 14, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ururkiisa ciidamo ka tirsan ay ka danbeeyeen weerarkii maanta ka dhacay Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarweyne.
Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen ilaa 5 askari oo ka tirsan Ururka Al-shabaab iyagoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyey askar ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo garsoorayaal ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa waxaa uu xusay in weerarka maanta uu ahaa mid qorshaysan ayna la beegsadeen masuuliyiintii Maxkamada Gobolka Banaadir xili maanta ay lahaayeen kulan gaar ah waxaa kale uu xusay in weerarku uu socday ilaa 3 saacadood ka dibna ay ciidanka Al-shabaab ay la wareegeen Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir.
Weerarka maanta lagu qaaday Maxkamada gobalka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay 29 qof oo isigu jira raga weerarka ku qaaday Maxkamada askar ka tirsan Booliska DFS ,Garsoorayaal iyo dadweyne rayid ah oo ku sugnaa gudaha Maxkamada Gobalka Banaadir.
A/cawaale
Halgan.nt