Al-shabaab oo sheegtay weerarkii lagu qaaday Maxkamadda gobolka Banaadir

April 14, 2013 - Written by Editor

astaanta-al-shabaabjpMuqdisho:-Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ururkiisa ciidamo ka tirsan ay ka danbeeyeen weerarkii maanta ka dhacay Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarweyne.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen ilaa 5 askari oo ka tirsan Ururka Al-shabaab iyagoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyey askar ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya  iyo garsoorayaal ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa waxaa uu xusay in weerarka maanta uu ahaa mid qorshaysan ayna la beegsadeen masuuliyiintii Maxkamada Gobolka Banaadir  xili maanta ay lahaayeen kulan gaar ah waxaa kale uu xusay in weerarku uu socday ilaa 3 saacadood ka dibna ay ciidanka Al-shabaab ay la wareegeen  Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir.

Weerarka maanta lagu qaaday Maxkamada gobalka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay 29 qof oo isigu jira raga weerarka ku qaaday Maxkamada askar ka tirsan Booliska DFS ,Garsoorayaal iyo dadweyne rayid ah oo ku sugnaa gudaha Maxkamada Gobalka Banaadir.

A/cawaale
Halgan.nt

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online