Ururka suxufiyiinta (NUSOJ)oo camaareeyay dilka loo geystay weriye Maxamed Ibraahim Raage
April 22, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee weriye Maxamed Ibraahim Raage waxaana dilay koox hubeysan oo gafuurka soo duubtay .Wariye Raage ayaa waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Tv –STN .
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka weriyaha ay fuliyeen koox dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysnayd, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.markii ay dilka fuliyeen.
Agaasimaha Radiyaha iyo Tv DFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh al-Caddaala ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabadii uu ka tagay weriye Maxamed Ibraahim Raage .
Waa wariyihii saddexaad ee sanadkan 2013 lagu dilo gudaha magaalada Muqdisho.Ururka suxufiyiinta qaranka ee Soomaaliya (NUSOJ) ayaa camaareeyay dilka loo geystay weriye Maxamed Ibraahim Raage.
Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah xoghayaha guud ee NUSOJ ayaa ugu baaqay madaxda DFS in ay waxqabtaan gumaadka lagu wado wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ,wuxuuna tacsi u diray eheladii weriye Maxamed Ibraahim Raage.
Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay masuuliyada dilka weriye Maxamed Ibraahim Raage.
A/Cawale
Halgan.net