Ururka suxufiyiinta (NUSOJ)oo camaareeyay dilka loo geystay weriye Maxamed Ibraahim Raage

April 22, 2013 - Written by Editor

Maxamed-Ibraahim-RaageMuqdisho:-Waxaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee weriye Maxamed Ibraahim Raage waxaana dilay koox hubeysan oo gafuurka soo duubtay .Wariye Raage ayaa waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Tv –STN .

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka weriyaha ay fuliyeen koox dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysnayd, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.markii ay dilka fuliyeen.

Agaasimaha Radiyaha iyo Tv DFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh al-Caddaala ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabadii uu ka tagay weriye Maxamed Ibraahim Raage .

Waa wariyihii saddexaad ee sanadkan 2013 lagu dilo gudaha magaalada Muqdisho.Ururka suxufiyiinta qaranka ee Soomaaliya (NUSOJ) ayaa camaareeyay dilka loo geystay weriye Maxamed Ibraahim Raage.

Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah xoghayaha guud ee NUSOJ ayaa ugu baaqay madaxda DFS in ay waxqabtaan gumaadka lagu wado wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ,wuxuuna tacsi u diray eheladii weriye Maxamed Ibraahim Raage.

Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay masuuliyada dilka weriye Maxamed Ibraahim Raage.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online