Wadahadaladii u dhexeeya DFS iyo Puntlland oo la isku afgartay
April 29, 2013 - Written by EditorGaroowe:Wadahadaladii u dhexeeya madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh iyo madaxda dowllada Puntlland ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday maanta is afgarad buuxa walow ay weli jiraan qodobo dib loo dhigay.
2-da dhinac ayaa waxaa ajanadaha shirkooda diirada ku saareen , qaabka maamul u samaynta Gobollada dalka , shirka ka dhici doona bisha May magaalada London , arrimaha Federaalka, wadahadalada u dhexeeya Somalilland iyo Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo hishiiyadii hore ee ay Dowllada Federaalka iyo dowllada Puntlland ay horay u gaareen wax ka fulay ilaa hadda.
Dowllada Federaalka iyo Puntlland ayaa waxaa dhexmaray dood adag oo is jiid jiid badan oo dhowr jeer hakiyey shirka balse markii danbe guul iyo is afgarad laga gaaray.
Waxaa jira qodobo dhowr ah oo loo saaray gudi ka kooban DFS iyo Puntlland in ay dib u eegaan waxaan ka mid ah cabasho Madaxda dowllada Puntlland ay ka keeneen in Dastuurkii dowllada Federaalka ee lagu doortay Madaxda DFS Xasan Sheekh Maxamuud wax laga bedelay taasina ay ay ku tilmaameen madaxda Puntland xadgudub lagu sameeyey Dastuurka Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa
M_M_Deeq
Halgan.net