Wadahadaladii u dhexeeya DFS iyo Puntlland oo la isku afgartay

April 29, 2013 - Written by Editor

4Garoowe:Wadahadaladii u dhexeeya madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh iyo madaxda dowllada Puntlland ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday maanta is afgarad buuxa walow ay weli jiraan qodobo dib loo dhigay.

2-da  dhinac ayaa waxaa ajanadaha shirkooda diirada ku saareen , qaabka maamul u samaynta Gobollada dalka , shirka ka dhici doona bisha May magaalada London , arrimaha Federaalka, wadahadalada u dhexeeya Somalilland iyo Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo hishiiyadii hore ee ay Dowllada  Federaalka  iyo dowllada Puntlland ay horay u gaareen wax ka fulay ilaa hadda.

Dowllada Federaalka iyo Puntlland ayaa waxaa dhexmaray dood  adag oo is jiid jiid badan oo dhowr jeer hakiyey shirka balse markii danbe guul iyo is afgarad laga gaaray.

Waxaa jira qodobo dhowr ah oo loo saaray gudi ka kooban DFS  iyo Puntlland in ay dib u eegaan waxaan ka mid ah cabasho Madaxda dowllada Puntlland ay ka keeneen in Dastuurkii dowllada Federaalka ee lagu doortay Madaxda DFS Xasan Sheekh Maxamuud wax laga bedelay taasina ay ay ku tilmaameen madaxda Puntland xadgudub lagu sameeyey Dastuurka Dowllada Federaalka Soomaaliya.

Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online