Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhaabo ka tirsan DFS oo gaaray Beledweyne
April 7, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Wafdi ka socda DFS oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFS ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuulin ka tirsan Maamulka iy kan Degmada gobalka Hiiraan.
Wafdiga ka socda DFS ayaa waxaa hogaaminaa wasiirka khayraadka dalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed waxaana socdaalkiisa ku wehliya wasiir ku xigeennada wasaaradaha difaaca, amniga iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.
Wafdiga ka socda DFS ayaa dhamaantood ka soo jeeda gobalka Hiiraan waxaana ay u socdaan in ay Maamul cusub u soo dhisaan degmada Baladweyne waxaana xilka la filayaa in gudoomiyaha gobalka Hiiraan laga dhigo Cabdi Faarax Laqanyo oo ka tirsanaa saaakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyada oo lagu badali doono Cabdifataax Xasan Afrax.
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka khayraadka dalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona waxgaradka iyo nabadoonada gobalka Hiiraan isla maanta,
A/Cawale
Halgan.net