Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhaabo ka tirsan DFS oo gaaray Beledweyne

April 7, 2013 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Wafdi ka socda DFS oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFS ayaa maanta gaaray  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuulin ka tirsan Maamulka iy kan Degmada gobalka Hiiraan.

Wafdiga ka socda DFS ayaa waxaa hogaaminaa wasiirka khayraadka dalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed waxaana socdaalkiisa ku wehliya wasiir ku xigeennada wasaaradaha difaaca, amniga  iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.

Wafdiga ka socda DFS ayaa dhamaantood ka soo jeeda gobalka Hiiraan waxaana ay u socdaan in ay Maamul cusub u soo dhisaan degmada Baladweyne waxaana xilka la filayaa in gudoomiyaha gobalka Hiiraan laga dhigo Cabdi Faarax Laqanyo oo ka tirsanaa saaakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyada oo lagu badali doono Cabdifataax Xasan Afrax.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka khayraadka dalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona waxgaradka iyo nabadoonada gobalka Hiiraan isla maanta,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online