Wafdi ka socda IGAD oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose
April 12, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose wafdi ka socda IGAD iyagoo isla maanta la filayo in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo iyo odayaasha dhaqanka ee shirka maamul u samaynta Jubaland uu uga socdo magaalada Kismaayo. Wafdiga IGAD ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa u jeedadda safarkoodu uu yahay in ay soo eegaan xaalada guud ee magaalada iyo halka uu marayo shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Wafdiga IGAD ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaana ay kormeer ku tageen Jaamacadda magaalada Kismaayo oo ah goobta uu ka socdo madasha shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyina iyo Gedo ayna ku sugan yihiin ergo fara badan. maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo ayaa in mudo waxaa uu ergooyin kale duwan ka martiqaaday shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo waxaan ilaa hadda safaro kale duwan ku gaaray xidhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo wasiiro ka socda dowllada Puntlland.
Wafdiga IGAD ayaa doonaya in ay is afgarad dhex dhigaan madaxda maamulka ku meel gaarka ee Kismaayo iyo Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya oo iyagu aan doonayn in maamul Gobolleed laga dhiso Gobllada Jubooyinka iyo Gedo balse doonaya in iyagu maamul ay soo magacaabeen uu ka howl galo Gobollada Jubooyina iyo Gedo.
Cabdi Yare
Halgan.net