Wafdi ka socda IGAD oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose

April 12, 2013 - Written by Editor

igadKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose  wafdi ka socda  IGAD iyagoo isla maanta la filayo in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo iyo odayaasha dhaqanka ee shirka maamul u samaynta Jubaland uu uga socdo magaalada Kismaayo. Wafdiga IGAD ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa u jeedadda safarkoodu uu yahay in ay soo eegaan xaalada guud ee magaalada iyo halka uu marayo shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Wafdiga IGAD ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaana ay kormeer ku tageen Jaamacadda magaalada Kismaayo oo ah goobta uu ka socdo madasha shirka  maamul u samaynta Gobollada Jubooyina iyo Gedo ayna ku sugan yihiin ergo  fara badan. maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo ayaa in mudo  waxaa uu ergooyin kale duwan ka martiqaaday shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo waxaan ilaa hadda safaro kale duwan ku gaaray xidhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo wasiiro ka socda dowllada Puntlland.

Wafdiga IGAD ayaa doonaya in ay is afgarad dhex dhigaan madaxda maamulka ku meel gaarka ee Kismaayo iyo Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya oo iyagu aan doonayn in maamul Gobolleed laga dhiso Gobllada Jubooyinka iyo Gedo balse doonaya in iyagu maamul ay soo magacaabeen uu ka howl galo Gobollada Jubooyina iyo Gedo.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online