Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray maanta magaalada Garoowe
April 17, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Wafdi ka socda Midowga Yurub ayna horkaceyso agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa maanta gaaray Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ayaa kulan la qaatay wafdiga ka socdey Midowga Yurub waxaana kulanka goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arimaha gudaha C/laahi Axmed Jamac Ilkajir ,wasiirka waxbarshada Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan laba gole ee Puntland.
Kulanka ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxaana uu u mahad celiyey wafdiga booqashada ku yimid Puntland isaga oo sheegay in Midowga Yurub uu taageero weyn siiyo Soomaaliya
ilaa markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Dhanka kale agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa sheegtay in Puntland tahay meelaha ugu muhiimsan ee Midowga Yurub uu siiyo taageero kala duwan waxayana sheegtay in ay u timid Puntland in ay aragto baahiyaha loo baahan yahay in laga taageero Puntland.
Wafdiga ka socday Midowga Afrika ee maanta soo gaaray Puntland iyo masuuliinta Puntland ayaa booqaday xarumo kala duwan ee ku yaal Garoowe waxaana ka mid ahaa xarumaha ay booqdeen xarunta wasaarada Waxbarshada iyo dugsiga sare ee Gambool .
Wafdigan ka socday Midowga Yurub oo ay horkaceysay Francesca Mosca ayaa shalay kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Muqdisho Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyaga oo ka hadlay arimo kala duwan.
M_M Deeq
Halgan.net