Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray maanta magaalada Garoowe

April 17, 2013 - Written by Editor

EUGaroowe:-Wafdi ka socda Midowga Yurub ayna horkaceyso  agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa maanta gaaray Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ayaa kulan la qaatay wafdiga ka socdey Midowga Yurub waxaana kulanka goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arimaha gudaha C/laahi  Axmed Jamac Ilkajir ,wasiirka waxbarshada Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan laba gole ee Puntland.

Kulanka ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxaana uu u mahad celiyey wafdiga booqashada ku yimid Puntland isaga oo sheegay in Midowga Yurub uu taageero weyn siiyo Soomaaliya
ilaa markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa sheegtay in Puntland tahay meelaha ugu muhiimsan ee Midowga Yurub uu siiyo taageero kala duwan waxayana sheegtay in ay u timid Puntland in ay aragto baahiyaha loo baahan yahay in laga taageero Puntland.

Wafdiga ka socday Midowga Afrika ee maanta soo gaaray Puntland iyo masuuliinta Puntland ayaa booqaday xarumo kala duwan ee ku yaal Garoowe waxaana ka mid ahaa xarumaha ay booqdeen xarunta wasaarada Waxbarshada iyo dugsiga sare ee Gambool .

Wafdigan ka socday Midowga Yurub oo ay horkaceysay Francesca Mosca ayaa shalay kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Muqdisho Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyaga oo ka hadlay arimo kala duwan.

M_M Deeq

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online