Wafi ka socda Dowlada Puntlland oo gaaray magaalada Kismaayo
April 4, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka ee dowllada Puntlland Daahir Khaliif. Wafdiga ka socda dowllad Puntlland ayaa socdaalka safarkooda u jeedadiisa waxaa uu yahay in ay ka qab galaan shirka dhismaha dowllada Gobolleedka Juballland oo hadda ka socdo magaalada Kismaayo.
Markii ay gaareen Wafdiga ka socda Puntlland magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxda maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo waxaan loo galbiyey madasha shirka uu ka socdo oo ay ku sugan yihiin dhamaan ergada ka qab galaya shirka. Socdaalka wafdiga Puntlland ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalin ka hor ay baarlamaanka Puntlland ay taageereen shirka ka socda magaalada Kismaayo ee lagu dhisayo maamul Gobolleedka Juballland.
Ergada Shirku uga socdo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay ansixiyeen Dastuur loo sameeyey maamulka Juballand , waxaan isla shalay magaalada Kismaayo soo gaaray ilaa 44 Xilidhibaan oo ka trisan Baarlamaanka DFS kuwaas oo muujiyey in ay taageersan yihiin shirka ka socda Kismaayo ee lagu dhisayo maamulka Juballand.
Dhinac kale dowllada Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax taageero u muujin shirka ka socda Kismaayo waxaan ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo Dowllada Federaalka Soomaaliya aysan taageersanayn
Cabdi Yare
Halgan.net