Wafi ka socda Dowlada Puntlland oo gaaray magaalada Kismaayo

April 4, 2013 - Written by Editor

Calanka-PuntlandKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka ee dowllada Puntlland Daahir Khaliif. Wafdiga ka socda dowllad Puntlland ayaa socdaalka safarkooda u jeedadiisa waxaa uu yahay in ay ka qab galaan shirka  dhismaha dowllada Gobolleedka Juballland oo hadda ka socdo magaalada Kismaayo.

Markii ay gaareen Wafdiga ka socda Puntlland magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxda maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo waxaan loo galbiyey madasha shirka uu ka socdo oo ay ku sugan yihiin dhamaan ergada ka qab galaya shirka. Socdaalka wafdiga Puntlland ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalin ka hor ay baarlamaanka Puntlland  ay taageereen shirka ka socda magaalada Kismaayo ee lagu dhisayo maamul Gobolleedka Juballland.

Ergada Shirku uga socdo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay ansixiyeen Dastuur loo sameeyey maamulka Juballand , waxaan isla shalay magaalada Kismaayo soo gaaray ilaa 44 Xilidhibaan oo ka trisan Baarlamaanka DFS kuwaas oo muujiyey in ay taageersan yihiin shirka ka socda Kismaayo ee lagu dhisayo maamulka Juballand.

Dhinac kale dowllada Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax taageero u muujin shirka ka socda Kismaayo waxaan ay ku tilmaameen mid sharci daro ah  oo Dowllada Federaalka Soomaaliya aysan taageersanayn

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online