Wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Finland oo soo gaaray Muqdisho

April 1, 2013 - Written by Editor

DSC02463Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Foosiyo Xaaji Aadan  iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka  Maaliyadda, iyo Qorshaynta, Wasiirka Adeega Bulshada,Wasiirka
Khayraadka Dalka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, ayaa kulan  balaaran la qaatay wafti ka socday dalka Finland oo uu hogaaminayo  Wasiirka Arrimaha Dibada Erkki Tumoija.

Waftigaan ayaa qayb ka ah wafuud kala duwan oo mudooyinkii ugu  danbeeyey booqasho ku imanayey magaalda muqdisho si ay wax uga  ogaadaan xaaladaha dalka iyo isbadalada ay samaynayso dawladda cusub   ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay waftiga  booqashada ay ku yimaadeen maanta magaalada Muqdisho, iyadoona  sheegatay in uu jiro isbadalo dhanka amniga ah taasina ay calaamad u  tahay imaatinka Muqdisho ay imanayaan wafuud ka kala socota caalamka.

“Dawladu waxay samaysay isbadalo dhanka amniga ah taas oo ay sabab u  noqotay inay dalka dib ugu soo laabtaan qurba joog oo badan, iygoona  ka kala yimid wadamada Yurub iyo Waqooyiga America, waxaa ka socda  caasimada dib u dhis balaaran, waxay dawladdu xooga saartay sidii loo  horumarin lahaa xuquuqul insaanka, iyadoo Ra’iisul  Wasaaruhu  magacaabay gudi baaritaan ku sameeya tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul  insaanka” ayaa tiri Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sidoo kale  Wasiirka Adeega Bulshada ayaa ka warbixisay howlaha  baaxada leh ee ay qabatay mudadii yarayd  oo ay Wasiiradda ahayd,

“Wasaarada Adeega Bulshada dwaxay ka kooban tahay qaybo kala duwan, waana wasaaradda ugu balaaran wasaaradaha, dhanka waxbarashada waxaan  isku howlnay inaan midayno manhajka waxbarashada, waxaan ka jira dalka  42 manhaj waxbarasho oo mid walba gaarkiisa u shaqeeya, waxaa noo  qorshaysan inaan Hal Milyan oo arday cusub ah  ay helaan sanadkaan  waxbarasho lacag la’aan ah dhamaan gobolada dalka, arimaha caafimaadka  ayaa laga sameeyey horumar waxaan dhawaan la furayaa isbitaalo la  dayactiray” ayeey tiri Wasiirka Adeega Bulshada oo dhanka kalana  xustay in ay lagama maarmaan tahay in laga xoroobo nidaamkii Hay’adaha  aan dowliga ahayn  dalka ku maamulayeen mudadii lagu jiray dawlad  la’aanta iyo xiligii KMG ahaa.

Ugu danbaynii Wasiirka Arrimaha dibada ee Dalka Finland ayaa sheegay  inuu aad ugu faraxsanayahay booqashadiisa Muqdisho uuna dareemayo  isbadal weyn oo dhanka amaanka ah, wuxuuna sheegay in dowaldiisu ku  dadaali doonto sidii ay Soomaaliya ula yeelan lahayd wada shaqayn toos  ah, dawlada Finland waxay hormuud ka tahay wadamada ku bahoobay  midowga yurub oo taagero dhaqaale siiya Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
 Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online