Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika Mahamed Saleh Annadif oo gaaray Kismaayo

April 7, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Mahamed Saleh Annadif  waxaana socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan Midowga Afrika.

Wafdiga uu hogaaminayo danjire Mahamed Saleh Annadif  ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo madax ka tirsan maamulka KMG ee magaalada Kismaayo waxaana loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.

 

Danjire Annadif ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya  taliyaha ciidanka AMISOM, General Andrew Gutti, Agaasimaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taakuleynta AMISOM (UNSOA), Amadou Camara, iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Kenya,  Francis K. Nthenge.

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Danjire Annadif ayaa ujeeddada socdaalkiisa ku tilmaamay in uu u kuurgalo xaalada amaanka iyo in uu xog rasmi ah ay ka helaan dhuxusha faraha badan ee dhooban gobalka J/hoose.

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Danjire Annadif ayaa booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo sida dekedda,xarunta Maamulka Degmada iyo Booliska .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online