Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho
April 22, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta lagu aasay Allaha unaxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage qubuuraha Jazeera duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho koox ku hubeysan bistoolado
Aaska wariye Maxamed Ibraahim Raage kama soo qeyb galin masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee DFS waxaase ka soo qeyb galay bahda saxaafada ee magaalada Muqdisho ,Ururka suxufiyiinta qaranka ee Soomaaliya (NUSOJ) iyo dadweyne kale.
Waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdi Raxiim Ciise Caddow waxaana uu tacsi u diray eheladii wariye Maxamed Ibraahim Raage waxaa goobta isana ka hadlay qaraabada wariye Raage iyga oo ka hadlay taariikh kooban oo ku saabsan wariye Maxamed Ibraahim Raage.
Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa ku eedeeyey dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage. kooxda Al Shabaab waxaana uu sheegay in ay horey u laayeen umada waxgaradkeedii cidna aysan reebaynin waxaana uu madaxada DFS ugu baaqay in ay la yimaadaan qorshe looga hortagayo dilalka ay geystaan kooxda Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale goobta aaska ku sugnaa qaar ka mid ah madaxada iyo dhaqaalada Radio Muqdisho iyo Agaasimaha Ururka suxufiyiinta qaranka ee Soomaaliya (NUSOJ).
A/Cawale
Halgan.net