Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho

April 22, 2013 - Written by Editor

5Muqdisho:-Waxaa maanta lagu aasay  Allaha unaxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage qubuuraha Jazeera duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho koox ku hubeysan bistoolado

Aaska wariye Maxamed Ibraahim Raage kama soo qeyb galin  masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee DFS waxaase ka soo qeyb galay bahda saxaafada ee magaalada Muqdisho ,Ururka suxufiyiinta qaranka ee Soomaaliya (NUSOJ) iyo dadweyne kale.

Waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdi Raxiim Ciise Caddow waxaana uu tacsi u diray eheladii wariye Maxamed Ibraahim Raage waxaa goobta isana ka hadlay qaraabada wariye Raage iyga oo ka hadlay taariikh kooban oo ku saabsan wariye Maxamed Ibraahim Raage.

Agaasimaha Radio Muqdisho  ayaa ku eedeeyey dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage. kooxda Al Shabaab waxaana uu sheegay in ay horey u laayeen umada waxgaradkeedii  cidna aysan reebaynin waxaana uu madaxada DFS ugu baaqay in ay la yimaadaan qorshe looga hortagayo dilalka ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale goobta aaska ku sugnaa qaar ka mid ah madaxada iyo dhaqaalada Radio Muqdisho iyo Agaasimaha Ururka suxufiyiinta qaranka ee Soomaaliya (NUSOJ).

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online