Warmurtiyeed caawa laga soo saaray kulan uga socdo magaalada Ankara DFS iyo S/land.

April 13, 2013 - Written by Editor

madaxAnkara:-Waxaa maanta kulan fool ka fool ah uu dhexmaray masuuliinta DFS iyo Madaxada maamulka Somaliland  Waxaana laba wafdi horkacayey Madaxweynaha DFS XasanSheekhMaxmuud iyo Madaxweynaha Maamulka S/land Axmed Maxamed Siilaanyo.

Kulan ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga waxaana qarwadeen ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmed Davutogle.

Warar hordhac ah oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in wafdiga S/land ay ku adkeysteen gooni isku taagaSomaliland .Madaxada DFS iyo saraakiil ka socota wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa u kala dabqaadaya labada dhinac.

Wadahadala u dhexeeya DFS iyo Maamulka S/land ayaa waxaa caawa laga soo saaray warmurtiyeed waxaana ka mid ahaa qodobada la isku raacay ayaa u qornaa sidan:

1- In Labada dhinac  ay sii wadaan wadahadallada u dhexeeya

2- In la meel marayo lana adkeeyo heshiiskii ay ku gaareen DFS iyo Maamulka S/land kaas oo ka dhacay dalka Britain 21-kii Jun ee sanadkii 2012-
3- In la meelmariyo heshiiskii lagu gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabka 28-Jun ee sanadkii 2012
3-  In Beesha Caalamka ay taageerto In ay wadahadalladu u dhexeeyaan dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland ay sii socdaan
4-  In Maamulka Somaliland la siiyo qeybteeda wixii mucaawino ee DFS ay beesha caalamka ka hesho.

5- In labada dhinac ay xoojiyaan xiriirka u dhexeeya gaar ahaan amaanka ,Sirdoonka ,Waxbarashada ,la dagaalanka waxay ugu yeereen argagixisada, burcad badeedda, iyo Maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysta Soomaaliya.

6-    In labada dhinac ay kulan labaad isigu yimaadaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 90 maalmood ka ddib

7-    In ay labada dhinac ay ka fogaadaan hadalada deelqaafka ah ee la isku mariyo warbaahinta.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waa arin fiican oo dhexdhexaad ah waxaana Allaah ka baryanaa in uu somali siiyo dowlad cadaalad u maamusha iyo diinta islaamka waxaana moodaa in tani shaqeyn doontto waxaanse kula talin lahaa dowlada diinta allaah wax ku maamula hadii kle waad khasaari doontaan sidii kuwii hore u khasaareen

Leave a comment

*