Wasiirka G/Dhiga Dowlad Federaalka Soomaaliya oo hortegay Baarlamaanka
April 22, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka G/Dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta waxaa uu hor tegay Golaha baarlamaanka ka dib markii Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay codsadeen in uu horyimaado.Fadhiga Golaha baarlamaanka DFS ayaa waxaa maanta shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannada Dowllad Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay wiidiiyeen wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi hub la sheegay in laga xaday Bakhaaro ay Dowllada ku lahayd xarunta Villa Soomaaliya iyo in raggii weerarka ka geystay Maxkamadii gobolka Banaadir ay wateen Tuutuhii cusbaa ee ciidanka DFS oo la xaday.
Wasiirka gaashaandhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa beeniyey in bakhaaro dowladda Federaalka Soomaaliya ay lahayd laga xaday wax hub ah waxaana sidoo kale uu warar been abuur ah ku tilmaamay in raggii weerarka ka geystay Maxmada Gobolka Banaadir ay wateen tuutahii cusub ee ciidanka DFS
Waa wasiirkii 2-aad oo ka tirsan Golaha wasiirada Dowllad Federaalka Soomaaliya oo mud ka yar 48 saacadood laga codsaday in uu hor yimaado Xildhibaannada Golaha baarlamaanka , shalay ayey ahayd markii wasiirka arrimaha gudaha ee Dowllad Federaalka Soomaaliya, uu hortegay Golaha baarlamaanka su’aalana ay wiidiiyeen Xildhibaannadu.
A/cawaale
Halgan.net