Wasiirka G/Dhiga Dowlad Federaalka Soomaaliya oo hortegay Baarlamaanka

April 22, 2013 - Written by Editor

fiqiMuqdisho:-Wasiirka G/Dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta waxaa uu hor tegay Golaha baarlamaanka ka dib markii Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay codsadeen in uu horyimaado.Fadhiga Golaha baarlamaanka DFS ayaa waxaa maanta shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaannada Dowllad Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay wiidiiyeen  wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi hub la sheegay in laga xaday Bakhaaro ay Dowllada ku lahayd xarunta Villa Soomaaliya iyo in raggii weerarka ka geystay Maxkamadii gobolka Banaadir ay wateen Tuutuhii cusbaa ee ciidanka DFS oo la xaday.

Wasiirka gaashaandhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa beeniyey in bakhaaro dowladda Federaalka Soomaaliya ay lahayd laga xaday wax hub ah waxaana sidoo kale uu warar been abuur ah ku tilmaamay in raggii weerarka ka geystay Maxmada Gobolka Banaadir ay wateen tuutahii cusub ee ciidanka DFS

Waa wasiirkii 2-aad oo ka tirsan Golaha wasiirada Dowllad Federaalka Soomaaliya oo mud ka yar 48 saacadood laga codsaday in uu hor yimaado Xildhibaannada Golaha baarlamaanka , shalay ayey ahayd markii wasiirka arrimaha gudaha ee Dowllad Federaalka Soomaaliya, uu hortegay Golaha baarlamaanka  su’aalana ay wiidiiyeen Xildhibaannadu.

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online