Daacish oo ku dhagan Ayman Dawaahiri iyo Abu Qataada W/Q C/casiis Maxamed (Dhageyso)

May 2, 2014 - Written by Editor

abu mundirSuuriya :-Shabakaddaha Internetka ee la dhacsan kooxda Khawaarijta ee Daacish ayaa waxaa lagu faafiyey wax ay ku sheegeen Tacliiq uu leeyahay (للشيخ عمر مهدي زيدان ) Abu Mundir kaas oo radinaya Hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Dr Ayman Dawaahiri waxaana uu daba joogaa baaq  Dr Ayman ee Cinwaankiisa uu ahaa (شهادة لحقن دماء المجاهدين بالشام) Halkan ka Dhageyso Baaqii Dr Ayman Al-Dawaahiri.

Waxaa aad ula yaabay dhiiranaata wadaadka isku magacaabay  (للشيخ عمر مهدي زيدان ) iyo mustawaha cilmiga ee uu goobta la yimid waxaa jira qormooyin badan uu leeyahay wadaadkan oo u baahan in la soo bandhigo si Manhajkiisa loo cadeeyo. لشيخ عمر مهدي زيدان ayaa waxaa hadda ka hor uu ka mid ahaa wadaado bayaan ka soo saaray koox Takfiir ah oo ka dilaacday magaalada Zarqaa ee dalka Urdun waxaana lagu xiray dhowr mar dalka Urdun oo uu ka soo jeedo sida aan filayo.

Hoos ka Dhageyso للشيخ عمر مهدي زيدان  Abu Mundir oo radinaya Dr.Ayman Dawaahiri.

Abu Mundir ayaa sidoo kale waxaa uu tacliiqiyey oo radiyey  Risaaladii Abu Qataada Al-Falstiini oo maalmo ka hor soo bandhigay risaalo uu kaga digayo kooxda Daacish wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin eyda naarta.Halkan ka Akhriso Risaalada Abu Qataada

Hoos ka Dhageyso للشيخ عمر مهدي زيدان  Abu Mundir oo radinaya Abu Qataada Al-Falastiini.

Xaalada ka dhex aloosan taageerayaasha Al-Qaacida  iyo Daacish ayaa ah mid faraha ka sii baxeysa waxaana ay hayaan Manhajkii ay culumadooda ku tarbiyeeyeen.

Wadaadkan ku dhagan culumadii Al-Qaacida ayaa waxaa uu ku eedeeyey hogaamiyaha Al-Qaacida Dr.ayman in uu isku dayey in uu kala dhantaalo midnimada Al-Shabaab,isaga oo magacaabay Abu Mansuur Al-mriki iyo rag kale wuxuuna sheegay in uu haatan uu rabo in uu kala dhantaalo kooxda Ansaar Al-Shareeca ee dalka Yemen .

Abu Mundir ayaa fitnada ka socota Shaam dusha uga tuuray Dr.Ayman Al-Dawaahirii isaga oo ugu baaqay kooxaha Jihaadiyiinta ah in ay iska jiraan Dr Ayman iyo hogaanka Al.Qaacida oo uu ku sheegay kuwa lumay oo inxiraafay,

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online