Al-Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Koonfuta gobalka Mudug
October 2, 2015 - Written by EditorCamaara:-Wararka naga soo gaaraya Koonfurta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka la wareegay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug waxaana ay bandow ku soo rogeen deegaanka Camaara.
Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Camaara ayaa sheegaya in uu hakad ku yimid isku socodka gadiidka iyo goobaha ganacsiga waxaana deegaanka Camaara isaga baxay maleeshiyaad deegaanka oo hubeysan.
Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaano kale oo ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug oo ay ugu horeyso deegaanka Bacaadweyne oo ay horey gacanta ugu hayeen Maamulka Galmudug.
Masuuliinta Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin deegaanada ka tirsan Koonfurta Mudug oo ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay ka faa,ideysaneysaa khilaafka ka dhex aloosan qaar ka mid ah beelaha iyo Maamulada ka jira gobalada dhexe iyo Mudug.
Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed ayaa tababar u furay ciidamo ka tirsan Galmudug isbuucii la soo dhaafay wuxuuna sheegay in dhawaan deegaanada ka tisan Galmudug laga saari doono kooxda Al-Shabaab.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net