Ciidamada badda dowladda Puntland ee PMPF oo qabtay 6 doon oo sharci daro ku kaluumaysanayey.[Masawiro]
October 17, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa howl galo ay sameeyeen waxaa ay qabteen doonyo dhowr ah oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey xeebaha Soomaaliya gaar ahaan dhinac Puntland waxaaan doonyahaan la qabtay degmada Caluula ee Gobolka Bari.
Ciidanka badda ee dowladda Puntland PMPF ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawl gallo ay ka sameeyeen xeebta degmada Caluula iyagoo soo bandhigay shaqaalo ajaanib ah oo iskugu jira Iraan iyo Yemaniyiin si sharc daro ah uga kaluumaysanayey xeebaa badda ee Puntland.
Doomahan ay soo qabteen Ciidamada badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa waxaa saarnaa shaqaalo gaaraya ilaa 130 shaqaalo u badan Iraaniyiin , Yemaniyiin iyo dhowr soomaali ah oo ilaalo u ahaa.
Taliyaha ciidamada badda Puntland Adminal C/risaaq Diiriye Faarax oo shir jara’id ku qabtay ayaa us heegay saxaaafadda in cidanku ay qabteen ilaa 6 doonyood oo si sharci daro ah u kaluumaysnayey si dhaqso ahna ay Maxkamada ugu gudbin doonaa.
Taliyaha ciidamada badda Puntland Adminal C/risaaq Diiriye Faarax ayaa digniin u jeediyey doonyaha aan wada sharciga kuwaas oo uu sheegay in talaabo laga qaadi doona haddii aysan sharciyadooda wadan markii ay ciidanka badda Puntland ay ku qabtaa howl galo.
Ugu danbayntii ayaa Taliyaha ciidamada badda Puntland Adminal C/risaaq Diiriye Faarax waxaa uu ugu baaqay doonayaha aan weli lahayn sharciga kaluumaysiga in ay si dhaqso ah iskaga diiwaan geliyaan wasaaradda Kaluumaysiga yo kheyaadka badda ayna ka soo qaataan waraaqaha aqoonsiga iyo ogolaasho rasmi ah.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net