Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Degmada Wabxo ee gobalka Galgaduud

October 20, 2015 - Written by Editor

ciidan_DFCiidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa ciidamo ka tirsan Al-shabaab kala wareegay maanta gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ka dib dagaal kooban oo ka dhacay daafaha Wabxo. Col.Axmed Maxamed oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Waxbo, isla markaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab .

“Ciidamada waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaanada ku dhow dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, ciidamo ka tirsan Al-shabaab  waxaana qorshaheenu yahay inaan gaarno deegaanada kale”ayuu yiri Col, Axmed Maxamed .

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay isku furi doonaan Xarardheere ilaa Aadan Yabaal sida ay warbaahin Muqdisho u sheegay Col.Axmed Maxamed. Ciidamda DFS iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobalka Gal-gaduud iyo Hiiraan ayaa dhowr mar qabsaday deegaano ay heysteen  Al-Shabaab iyagoo mudo yar ka dibna isaga baxay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online