Documentry u gaar ah Jaamacada Bariga Africa ee degmada Buuhoodle‏ ee Gobolka Cayn.[Daawo Video]

October 13, 2015 - Written by Editor

downloadBuuhoodle:-Jaamacada Bariga Africe qaybteeda Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn waxaa laga furay magaalada Buuhoodle sanadkii 2012, Jaamacada oo sanad jirsatay sanadkii 5 aad ayaa waxaa bil ka hor ka qalin jabiyay Jaamacada Dufcadii koowaad ee Jaamacada Bariga Africa. Jaamacada Bariga africa oo hada ka kooban afar kulliyadood oo kala duwan ayaa noqotay jaamacad soo saartay arday Tayo badan oo ay ku mahdiyeen maamulka sare ee Jaamacada Bariga Africa ee xarrunteedu ay tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Soomaaliya.

Dufcadii ugu horraysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn oo bil ka hor ka waxaa ka qabsoontay xarunta Jaamacada Bariga Africa. oo ay ka soo qayb galeen wufuud qiimo badan oo ka kal socotay magaalooyinka Boosaaso , Garoowe , Gaalkacyo , Laascaanood , Buuhoodle , Goldogob , Widhwidh ayaa waxaa ka soo qayb golahii aasaasay Jaamacadan sanadkii 2011, Sh.C/naasir Xaaji Axmed , iyo Eng. Maxamed C/laahi Xoosh.

Dhamaan ka soo qayb galaayshii xaflada qalin jabinta waxay si wayn u soo dhaweeyeen dedaalka Maamulka Jaamacada Bariga africa ee Buuhoodle, Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Prof. Sh C/Shaafi Axmed Cali ayaa ka hadlay Xafladii qalinn jebinta isagoo ka sheekeeyey in Jaamacada Bariga Africa laga furay magaalada Buuhoodle sanadkii 2011-09-03 ayna dedaal dheer ka dib Jaamacadu soo saartay dufcadii ugu horraysay oo heer Degree ah , Jaamacadu waxay u taagan tahay kor u qaadida aqoonta iyo la dagaalanka aqoon darada iyo qabyaalada.

Guud ahaan ardayda dhamaysatay sanadkan ayaa tiro ahaan ah 30 arday oo ka qalin jabiyay Jaamcada Bariga Africa ee Buuhoodle , gaar ahaan Kulliyadaha kala ah Kulliyada Shareecada iyo Kulliyada Dhaqaalaha , Jaamacada Bariga Africa waxay mar walba diyaar u tahay inay bulshada gobolka Cayn ay ka kaaftoomaan dhibaatada ka haystay Jaamacad dibada loo doonto ‘ ayuu yidhi Dr. C/Shaafi Axmed Cali.

Iyadoo jaamacadu ay leedahay Kulliyado kala duwan oo ay ka mid yihiin Computer Scinece , Shareecada iwm hadana Jaamacad waxaa dhigta arday aad u fara badan oo aanay qaadayn dhismaha Jaamacada , iyadoo ay sidoo kale jiraan arday badan oo aan awoodin inay iska bixiyaan dhaqalaha jaamacada wax looga barto , balse ay Jaamacadu wax uga bartaan.

Dadka muslimiinta daafaha Caalamka waxaa laga codasanayaa in ay ka qayb qaataan arday faraha badan ee ay Jaamacadu gacanta ku hayso, isla markaana ballaadhinta Jaamacada.

Hoos ka Daawo Documentry u gaar ah Jaamacada Bariga Africa ee degmada Buuhoodle‏ ee Gobolka Cayn

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Somaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online