Gogashii Nabadeed oo lagu dhawaaqay iyo Qodobo ka soo baxay shirkii wajiga Labaad.[Daawo]‏

October 19, 2015 - Written by Editor

garaadoLaascaanood:-Ka dib dhowr iyo toban maalmood oo ay deegaanka Qorilay Magaclay iyo Burtinle ay Joogeen Ergooyin ka kala socda deegaano badan oo ka tirsan gayiga Soomaalida ayaa maanta la soo gabagabeeyey wajigii labaad ee Nabadaynta iyo Daminta colaad daba dheeraatay ee beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanada Qorilay iyo Magacley.

Colaadan oo soo bilaabatay 1984 , ayaa waxaa lagu guul daraysatay isku dayo badan oo lagu xakamaynayo in la soo afjaro colaadan , iyadoo 31 sano gudeheen la is dhaafsaday 11 marxuun magtood. Wajigii koowaad ee daminta Colaaada ayaa ahaa Xabada Joojin , kala fogaynta ciidamada laba beel , iyo baaqyo nabadeed oo ka kala imaanaya wadanka Somalia gudihii Raaskaamboonay ilaa Raas-casary.

Wajigii Labaadna wuxuu ahaa in la qaabilo Ergooyin badan oo kor u dhaafaya 150 Ergo oo ka kala yimid 11 magaalo oo ku kala yaalla gayiga Soomaaliyeed. iyo la waaniyo labada beel , la isku keeno wax garadka labada dhinac iyo waliba in la dhiso 5 gudi oo noqda dadkii soo afjari lahaa coldaada 31 sano soo taagnayd.

5 Kulan oo dhacay 7 dii casho ee u danbeeyay waxaaa hoosta laga xariiqay Qodobo la isku afgartay :-

1.Laba Guddi oo min 21 qof oo laba dhinaca ah oo noqda wakiilada labada beel u dooda wixii dood ah ee la gole yimaadaan.

2. Hal Gudii oo dhex dhexaadin ah oo ka kooban 33 qof , 11 Qof waa Isimada beel waynta Daarood , 11 iyo 11 oo kala ah Beelwaynta Majeerteen iyo Dhulbahante .

3. Guddi ka kooban 15 qof oo 5 ka mida ay yihii n Culimo waawayn oo Caan ah , iyo 10 Qof oo odoyaal waxgarad indheer garad ah oo u fadhiista geed hoostii , si ay u xalliyaan wixii la isku afgaran waayo. isla markaana ay hoos imaan doonaan gudigani 15 ka qof gudiiga dhex dhexadinta ah ee 33 ka kooban .

Gogasha Nabadeed waxay Taala deegaanka XOORRE oo Hawd u dhexeeya Magaclay iyo Qorilay isla markaan ah soohdinta ku bartanka labada beel ee Nabadaynta laga dhex wado .

Wixii dhaqaale ah ee ku baxaya mudada shirkani uu socon doono waxaa bixinay shacabka Jubbaland oo , sidoo kale ciidamada Amniga qaabilsan waxaa iyana qaabilsan Jubbaland.

Maalinta uu bilaabanayo shirwaynahani waa 02-11-2015 hadii Alle idmo, ugu danbayntii waxaa amaan gaar ah loo soo jeedi nayaa Beesha deegaanka Qorilay iyo Garaad Jaamac Garaad Cali sidda gobanimada leh ee ay u qaabileen u soo dhaweeyeen dhamaan ergadii nabadaynta ee uga martiyay in ay aqbalaan codsigooda ku aadna nabadaynta.

Hoos ka Daawo Gogashii Nabdeed oo lagu dhawaaqay iyo Qodobo ka soo baxay

Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Somaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online