Golaha Wasiirada DFS oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016

October 29, 2015 - Written by Editor

117Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin soo gudbin Miisaaniyad sanadeedka 2016, iyo xog uruurin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil saaray gurmadka Fatahaadaha laga cabsi qabo iyo roobabka El Niño.

Kulankan ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan golaha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti.

Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer kadib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixin xog uruurin ah ka dhegeystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C.raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxayna ka warbixiyeen socdaalo ay ugu kuurgalayeen xubno ka tirsan guddiga gurmadka Fatahaadaha iyo Roobabka El Niño, gaar ahaana Hiiraan iyo J/hoose.

Guddiga ayaa tagi doona dhamamaam gobolada ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, si loogu sii tabaabusheysto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan goboladaasi, oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Fatahaado waaweyn iyo Roobab wata dabeylo.

—Dhammaad—–

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online