Gudoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed oo socdaal dacwo ku gaaray degmada Galdogob.[Masawiro]

October 30, 2015 - Written by Editor

12119052_1023585694364811_4463373599655461723_nGaldogob:-Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha jamaacada Al-ictisaam ayaa waxa uu safar dacwo ku gaaray degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Sh.Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa markii uu soo gaaray degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa soo dhaweeyey Culimada , ducaada ,masuuliyiinta Mu’ssadda Al-minhaaj ,Masuuliyiinta Degmada iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.

Gudoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa maalin ka hor ita uusan soo gaarin degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa uu ka soo qayb galay Caleemasaarkii Suldaan Cabdi Qani Qorane Axmed , Shiikha ayaa waxaa uu u soo gudbay degmada Galdogob isla haabeenkiiba isagoo Salaada subax ka dib kulan gaar ah la qaatay Ducaada hawlwadeenada Mu’assasada qaybo kamid ah.

Gudoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed ayaa intii uu ku suganaa degada Galdogob waxaa uu booqday dhowr Iskuul oo uu ka mid yahay iskuulka Galdogob ee sare.

Isla Barqanimadii ayaa Gudoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed waxaa kulan kale uu la qaatay hogaanka dhaqanka iyo masuuliyiinta maamulka degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaan uu u jeediyey waano guud.

Gudomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed ayaa Salaadii duhur ka dib waxaa qado sharaf u sameeyey culimada iyo ducaad degmada Galdogob oo ay iska waraysteen xaalada guud ee dacwada iyo siddii loo xoojin lahaa Dacwada.

Gudomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed ayaa salaadii Casar ka dib waxaa uu uu qabtay siminaar dacwada ah oo ay ka faaiidaysteen ku dhawaad ilaa 60 daaci oo rag iyo dumar isugu jiray.  Ugu danbayntii Salaadii Makhrib ka dib ayaa Gudomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed uu muxaadaro caam ah ka jeediyey Masjid jaamaca ah degada Galdogob oo ay ka oo qayb galeen dadweyne fara badan.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online