Hay’adda Al-Ixsaan ayaa maanta siminaar u qabatay ganacsatada magaalada Nairobi.[Masawiro/Video]
October 22, 2015 - Written by EditorNairobi:-Hay’adda Al-Ixsaan ee horu-marinta bulshada ayaa maanta siminaar u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana siminaarku ahaa mid ay aad uga faa’iideysteen. Siminaarka ayaa waxaa duruus ku lahaa labada sheekh ee Soomaaliyeed ee caanka ah:-
1. Sh. Maxamuud Shibli.
2.Sh. Maxamed Cabdi Umal.
Darsiga hore ayaa waxaa galay Sh.Shibli, wuxuuna ku saabsanaa dhaqanka wanaagsan ee laga doonayo ganacsadaha muslimka ah, isagoo ku soo ban-dhigay nusuus waafaqsan mowduuca uu u xulay ganacsatada siminaarka ka faa’iideysaneysay.
Intaas ka dib waxaa darsiga labaad galay Sheekh. Maxamed Cabdi Umal, isagoo sidoo kale sharraxay sida looga baahan yahay ganacsatada iney meel wanaagsan ugu bixiyaan xoolaha Ilaahay siiyey.
Sheekha ayaa ugu dambeyntii la dar-daarmay ganacsatada, wuxuuna ku boorriyey iney isku xirnaadaan, bulshadooda iyo danta guudna ay ka qeyb qaataan.
Dr. Aadn Sh.Cali Saalax oo ku hadlayey afka Hay’adda Al-Ixsaan ayaa sharraxay howsha ay hayso hay’adda, isla markaasna wuxuu ku nuux nuuxsaday in ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay iney iska kaashadaan sidii wax loogu qaban lahaa umadda.
Intaas ka dib waxaa hadalku u wareegay ka soo qeyb galayaashii siminaarka, iyagoo ra’yi gooda iyo su’aalaba la wadaagay culimadii macalimiinta ka ahayd siminaarka. Siminaarka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi aad u qurux badan, iyadoo ganacsatada ay codsadeen in dowrooyinka ceynkaan oo kale ah loo qabto.
no images were found
Hoos ka Daawo Nadwo loo qabtay ganacsatada islii Sh.Maxamed Umal & Sh.Maxamud Shibli
Hay’adda Al-Ixsaan
Nairobi,Kenya