Islaan Bashiir Islaan Cabdille & Sh Maxamed Macalin oo caawa dib ugu soo laabtay Burtinle.[Cod/Masawiro]
October 14, 2015 - Written by EditorBurtinle:-Wafti baalaran oo uu hogaaminayo Islaam Bashiir Islaam Cabdille iyo Sh Maxamed Macalin Ahmed oo saaka socdaal ugu baxay dhulka howdka ah ee dagaalku ku dhexmaray labada beelood ee Oodwadaag ah ayaa waxaa ay caawa dib ugu soo laabteen degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Sh Maxamed Macalin Ahmed ayaa markii u soo gaaray degmada Burtinle waxaa u warbixin kooban siiyey Halgan.net sababtuna waxay ahayd waqtiga oo ah mid danbe iyo Sh.Maxamed Macalin oo maanta oo dhan safar ku tegay goobo dhowr ah gaar ahaan deegaanka Maygaagley iyadoo Sh Maxamed Macalin Ahmed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle goobaha qaar ay gaari waayeen maadaam uu dhulku ka da’ay Roob lagu diirsaday.
Hoos ka Dhagayso Warbixin kooban oo Halgan.net uu siiyey Sh Maxamed Macalin Ahmed
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/shmaxamedmacali.mp3]Waftiga ayaa markii ay saaka gaareen Magaclay waxaa ay halkaas kula hadleen dadweynaha iyagoo ugu baaqay in nabad la xoojiyo waxaan ay dadka la yeesheen Shir balaaran oo loo balan sanaa waxaana shirka furay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/llaahi Faraweyne Isagoo ugu baaqay dhamaan in laga wada shaqeeyo siddii loo hirgelin lahaa nabad iyo xabad joojintii la isla gaaray.
Sh.Maxamed Macalim Axmed ayaa goobta ka soo jeedshay wacdi qiima badan waxaana uu uga digay bulshada daadinta Dhiig Muslim in ay tahay Xaaraan waxaana sheekhu soo qaatay Aayado ka hadlaya Xurmada uu leeyahay dhiigu qofka Muslinka ah isagoo dhanka kalena Eebe ku dhaariyay in aysan fududaysan dilka qof Muslinka ah.
Ugu danbayntii waxaa shirka soo xiray Islaan Bashiir Islaam Cabdulle waxaana isna dhankiisa ugu baaqay in ay ilaaliyaan balantii ay qaadeen ee ahayd in ay qaateen nabada waxaana uu Eebe ka baryay in Allah nabad dhex dhigo Bulshada walaala ha ah waxayna Salaada maqrib ka dib ay waftigaani u soo ambabaxeen dhinac Magaalada Burtinle.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net