Jaaliyadda Leicester oo baaq nabadeed u dirtay beelihii ku dagaalamay Qorilay iyo Magaclay.[Cod/Masawiro]
October 6, 2015 - Written by EditorLeicester:-Waxaa magaalada Leicester (U.K) lagu qabtay shir ballaadhan ee Jaalliyada Leicester (UK) ay soo agaasimeen 02/10/2015, loogana hadlaayey dagaalka ka socda degaanada Qoriley iyo Magacley halkaas oo ay ku dagaalamayaan dad Ehel ah, walaalo ah, isku degaan iyo Oodwadaagna ah.
Furitaanka kulanka ayaa waxa wacdi iyo Aayaad Quraan ah ka akhriyey Sh. Maxamed Salaad oo ah Khadiibka iyo imaanka masjida Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester , Sh Maxamed Salaad ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ee Oodwadaag ah in dagaalka u dhexeeyo ay joojiyaan Alle u laabtaan oo ay ka fogaadaan dhiiga iyo dagaalada aan waxba laga faa’iidayn Soomaalina ay ku rogmatay 25 sanno ee dowladd la’aanta qabiil qabiil ka adkaadayna aysan jirin.
Sh Maxamed Salaad ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Jaaliyadda Soomaalida in ay ka fogaadaan hurinta colaada ayna u istaagaan inay taageero hiil iyo hooba ay la garab istaagaan Issimada , Cuqaasha , Garaadadda iyo Culimada Soomaaliyeed oo dadaal dheer ku bixinaya joojinta colaada.
Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa dhamaan odayaashii kulanka ka qayb galay waxaa ay si wada jir ah iskugu raaceen in ay taageerayaan waan waanta nabadeed oo ay wadaan Issimada , Cuqaasha , Garaadada iyo culimo’udiinka si loo joojiyo colaad iyo dagaalka.
Gabagabadii ulanka ayaa waxaa warbixino kooban iyo waanooyin ka jediey Sh Cabdinasir Xaaji Axmed oo ku sugan Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool isago ka warbixiyey halka ay marayso nabadaynta lavbada beelood ee walaalaha ah iyo kulan uu la qaatay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku sugan deegaanka Saaxdheer.
Hoos ka Dhagayso warbixinta Sh C/naasir Xaaji Axmed ka jeediyey kulankii Jaaliayadda Leicester
[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/warbixinShcabdinasir.mp3]Waxaa kale oo kulan si sidaas la mid ah uga warbixiyey halka uu maray dadaalka nabadeed ee Issimada , Cuqaasha iyo Culimada Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ku sugan magaalada Garoowe .
Hoos ka Dhagayso warbixinta Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ka jeediyey kulankii Jaaliayadda Leicester
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/warbixinSh%20Maxamuud.mp3]Hoos ka akhri Baaq ay Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada Leicester, Uk u dirayaan Beelaha walaalaha ah ee Oodawaag ah ee ku dagaalamay deegaanada Qorilay iyo Magaclay:
1) Waa in colaada halkaas ka aloosan si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loo joojiyo.
2) Waxaan taageer sanahay culumadda iyo wax garadka guddaha jooga bayaanadda ay soo saareen.
3) Waa in arrinkaan looga dambeeyaa culumadda iyo Issimadda.
4) Waa in si caddaalad ah sida shareecaddu qabto loo maraa xalinta arrinkaan.
5) Dadka is haya waa jirkayagii dadka dhimanayana waa dadkayagii,sidaas darteed waana dhibaysaa geerida aan maalin kasta maqleeyno.
6) Waa Inaad ka taxadartaan iskana hubisaan wararka aan sal iyo baarka laheyn ee la isu marinayo idaacadaha iyo mareegyada kale ee la aqristo
no images were found
Hoos ka Daawo Baaqa Nabadeed ee ay Jaaliyadda Leicester u dirtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Qorileey Iyo magacleey
Aqoonyahan Abdifataax Guure
Leicester , Uk