Koox ka mid ah ururka Al-shabaab oo ku biirtay kooxda Daacish.[Dhageyso]

October 23, 2015 - Written by Editor

muuminWarar lagu faafiyey Mareegaha Taageera kooxda Khawaarijta ee Daacish iyo barta Twitter ka cod uu leeyahay mid ka mid ah wadaada taageeri jiray kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo Sh C/qaadir Muumin waxaana uu sheegay in koox ka mid ah ururka Al-shabaab ay ku biireen kooxda Daacish. Wadaadka C/qaadir Muumin ayaa waxaa uu caan ku ahaa Gaaleysiinta cid walba oo khilaafta ilaa uu xitaa Gaaleysiiyey culumada iyo Wariyaasha idaacaddaha qaarkood.

Shalay oo ay Khamiis ahayd ayaa waxaa Mukhaabaraadka dalka Mareykanka ay sheegeen in koox ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku biireen Daacish uuna horkacayo Sh C/qaadir Muumin oo dhowr mar sheegay in uu ka dagaalamo Buuraleyda Golis. Halkaan ka eeg Idaacadda CNN-ka

Ilaa hadda lama yaqaan khilaafka ay Kooxda Al-Shabaab ku keeni karto ku biirstay wadaadka Cabduqaadir Muumin uu ku biiray koxda Daaich, arrinaan ayaa ah khilaaf labaad ka dib markii  hogaamiyaal ka tirsan madaxdii Al-shabaab horay lagu dilay degmada Baraawe.

Usbuucyadii la soo dhaafay ayaa saxaafadda soomaalidu waxaa ay baahisay in howlgalo ay sameeyeen ciidanka Al-shabaab ay xabsiga dhigeen dhalinyaro iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo lagu xiray gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Jilib waxaana lagu eedeeyey in ay rabaan in ay ku biiraan Daacish.

Mashruuca Daacish waa Mashruuc hor leh oo ay wataan gaalo lana rabo in lagu mariyo shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah Waxaa jiray baaqyo tiro badan oo ka imaanayey kooxo la dhacsan Daacish oo baaqyo iyo codsi u dirayey kooxda Al-Shabaab in ay ku biiraan kooxda Daacish ,wili ma jraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray wadaadka C/qaadir Muumin.

Hoos ka Dhageyso Codka C/qaadir Muumin oo Sheegaya in uu Beyco la galay Kooxda Daacish.

Muxuu soo kordhin karaa sheegashada C/qaadir Muumin uu ku biiray Kooxda Daacish, maxaa laga filayaa in ay ka soo baxdo Hogaanka Al-shabaab bal aan dhowrno maalmaha soo socda.

 

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online