Kulan u dhexeeya Culimada Gobolka Sool & Ardayda Al-furqaan oo Laascaanood ka dhacay.‏[Masawiro]

October 24, 2015 - Written by Editor

1Laascaanood:-Kulan ballaadhan oo u dhexeeya dufcadihii kale duwanaa ee ka qalin jabiyay Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood iyo culimaa’u diinka gobolka Gobolka Sool ayaa ka dhacay xarunta machadka Al-furqaan ,kulamadaas oo ahaa kuwo ay Culimaduna ay ka jeediyeen kalmado qiimo badan ayaa ardayduna ay ku cabireen dareenkooda ku aadan kulanka iyo guud ahaan Machadka.

Sh C/Naasir Xaaji Axmed oo ka dhagaystay gudoomiyaha ururka Ardayda ka qalin jabisay Machadka Al-furqaan Xirsi Aadan Maxamed ayaa culimada siiyay waxrixin ku saabsan waxqababadkii  sadexdii bilood ee u danbeeyay ee u qabsoomay golaha Al-furqaan .

Waxaa iyana halkaasi ka kelmado ka soo jeediyey culimada kale ee goob jooga hayd sida Sh Axmed Muaxamed Sulaymaan oo ah madaxa xafiiska dacwada gobolka , iyo Sh Maxamuud Maxamed Xalliike iyagoona ardayda kala hadlay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ah waxbarashadooda Ardayda oo iyana dareenkooda muujiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulmada noocan oo kale iyagoona u mahad celiyey maamulka Machadka iyo Macalimiintoodaba.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulankan qar ka mida ardayda Alfurqaan ee golaha ardayda ka baxday machadka ,kuwaasoo waydiyay culimada Su’aalo la xidhiidha Dacwada iyo waaqica hada lagu jiro . Sh C/Naasir Xaaji Axmed oo soo gabagabeeyey munaasaban aya ardayda uga waramay waajibkooda ka saran Ummada iyo Diinta , iyo inay ka faa’iidaystaan waqtigooda.

no images were found

En Mawliidd Isma Haradigeed

Laascaanood,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online