Madaxii doorashooyinka S/land iyo 8 xubnood oo la socday oo laga sidaayey Xabsi ku yaal degmada Baran.[Dhagayso]

October 19, 2015 - Written by Editor

baranBaran:-Madaxii gudiga doorashooyinka S/land iyo 8 xubnood oo la socday ayaa laga sii daayey Xabsi u yaal degmada Baran a dib markii maalin ka hor ay ciidamo uu watay Taliyaha ciidanka dowladda Puntland ee Gobolka Sanaag Col.C/llahi Cumar Canshuur ay qabteen ka dibna ay ku xireen Xabsi ku yaal degmada Baran ee Gobolka Sanaag.

Madaxii gudiga doorashooyin ka Somaliland Cumar Jaamac oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa u sheegay in ciidamo ka tirsa Puntland ay xireen agabkii a wateen ay kala wareegeen isagoo dhinac kale sheegay in si waaagsan loola dhaqmay. Madaxii gudiga doorashooyin ka S/land Cumar Jaamac waxaa kale oo VOA u sheegay Ciidamada xiray ay ka soo horjeedeen howlaha la xiriira doorashooyinka S/land oo la doonayey in laga hirgeliyo Gobolka Sanaag.

Madaxii gudiga doorashooyin ka Somaliland Cumar Jaamac ayaa xusay insii dayntiisu ay timd ka dib marii dadaal badan iyo wada hadal lala galay taliyaha ciidamada Puntland ee qeybta Badhan Col.Cabdullahi Cumar, ka dib markii ay dad badan la hadleen, sidaasna lagu sii daayey.

Hoos ka Dhagayso Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye ayaa wareystay Cumar Jaamac Faarax.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online