Madaxwaynaha DFS oo Warqadaha Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dalka Natherland

October 24, 2015 - Written by Editor

Xasan_ShmaxamuudMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Si rasmi ah uga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo Safiirka Cusub ee Netherlands u qaabil sanaandoona Soomaaliya Franciscus Albercht Makken.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen Safiirka Xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay wada shaqayn u dhexmari lahayd Soomaaliya iyo Netherlands.

“waxaan ka wada hadalnay xiriirka ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Netherlands  iyo siddii loo sii xoojin lahaa, waxaa kaloo  ka hadalnay in Netherlands oo ay ku nool yihiin Soomaali badan sidii daryeel ay u heli lahaayeen” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay inay si doo kale ka wada hadleen Arrimaha Horumarinta Nabad galyada iyo sidii Netherlands ay  uga mid noqon lahayd waddamada Yurub  ee taageera Soomaaliya.

Ugu dambayn waxaa warbaahinta Siwada jir ah ula hadlay Safiirka Cusub ee Dowladda Netherlands Franciscus Albercht Makken, iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Cali Kadiye, iyagoo sheegay in ay wada shaqayn buuxda dhexmari doonto Soomaaliya iyo Netherlands.

——Dhamaaad—

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online