Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lagu soo dhaweeyey Garoowe

October 25, 2015 - Written by Editor

IMG_3229Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-10-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland , oo muddo ku dhow saddex bilood uu uga maqnaa safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Banaanka hore ee magaalada ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa si Habsami leh ugu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha.

Shacabkii ka qeyb-qaadanayey soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa watay boorar lagu dhajiyey sawirka Madaxweynaha , Calanka Puntland , Caleemo qoyan iyo hal ku dhigyo kala duwan oo ay ku bogaadinayeen howsha horumarineed ee uu Gobalka Mudug u joogay Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan Madaxdii iyo shacabkii soo dhaweeyey u mahadceliyey , waxaana uu ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan ka qeyb-qaadashada horumarka baaxadda leh ee ka soconaya Puntland.

Soo laabashada Madaxweynaha ee magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland ayaa salka ku haysa sidii uu u furi lahaa kalfadhiga 36-aad ee Baarlamaanka Dawladda Puntland oo maanta si rasmi ah u furmaya.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online