Madaxweynaha Dawladda Puntland oo tababar u soo xiray 500 oo Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.

October 23, 2015 - Written by Editor

IMG_1786Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-10-2015 xerada tababarada abqaale ee Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug tababar ugu soo xiray ku dhawaad 500-oo ciidan Booliis ah oo laga soo kala xulay Gobalada Bari, Karkaar iyo Cayn ee Puntland.

Munaasibadda soo xiritaanka tababarka waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil ciidan , fanaaniinta kooxda Anshax band oo jigjiga kayimi , waxaana ay madasha ku soo bandhigeen heeso ay ku baraarujinayeen ciidankaan oo qaatay tababar dhamaystiran.

Dhammaamn ciidanka Booliska ee tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay gaada ka ciyaar, waxaana iyana aan meesha ka marnayn kooxda baanbayda Puntland oo wacdara ka dhigay goobta lagu qabanayey munaasibadda .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhammaan u hambalyeeye ciidanka maanta aqoon kororsiga loo soo xiray, waxaana uu ku bogaadiyey inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran .

‘’ Farqiga u dhaxeeya maalintii aan tababarka idiin furayey iyo maanta waa mid cad oo muuqata , waana mid runtii abuuraysa kalsooni tiro badan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

‘’ Dawladnimadu waa sharci iyo kala dambeyn , sharcigana lugaha iyo gacmaha uu ku adeegana waa booliiska , dawladnimada asalkeedana waa booliiska , muhiimad gaar ah ayaadna noo leedihiin ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku howlan sidii loo heli lahaa tiro ciidan oo dhamaystiran nooc walbana leh , loogana bixi lahaa caaglaysiga ka dhexjira ciidanka, ayaa sheegay in dadaalkaasi sii socon doona uusana marnaba hakanayn.

‘’ Waxaa laydinka rabaa inaydan eex ku shaqeyn , inaad cadaalad ku shaqeynsaan , inaad sharciga dhowrtaan , inaad musuq maasuqa ka dheraataan iyo inaad ilaalisaan sharafta dawladnimo ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Wajiyada ciidankaan uu madaxweynuhu u soo xiray tababarka waxaa laga dheehanayey farxad iyo reynreyn, maadama ay u dhamaystiran tahay agabkii ciidan booliis ee ay ku howlgelilahaayeen.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in xerada tababarka abqaale ee degmada xarfo magacii uu ka badal , islamarkaana uu u bixiyey hada wixii ka dambeeya Xerada Tababarka ee Gen Cabdullaahi Maxamuud Xassan (Matukade) oo soo noqday taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya rabbi ha u naxariiste.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafia, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online