Madaxweynaha DFS oo furay Shirka wada tashiga Qaran ee doorashada 2016

October 19, 2015 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha DFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  si rasmi ah u furay Shirka wadatashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Madaxda  Dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira. Shirka wadatashiga ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Ciidamada Cirka ee Afziyoone oo aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada  Muqdisho.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga wuxuuna sheegay in  in shirkan uu ahmiyad gaar ah uu shacabka u leeyahay isla markaana ay ka wada tashanayaan aayaha dalkooda,isaga balan qaaday in dowladiisa ay fulin doonto talooyinka ka soo baxa shirka wadatashiga

Sidoo kale Shirka ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Madaxweyneyaasha maamulada dalka Puntland,Gal-Mudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Shirka watashiga ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud , Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro, Xildhibaano, wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka socon doono  ilaa Barrito waxaana la wada dhowrayaa wixii ka soo baxa .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online