Baydhabo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay waxaana loogu soo dhaweeyey si weyn.
Wafdiga Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Ujeedada Booqashada Madaxweynaha DFS ayaa la sheegay in ay salka ku hayso sidii uu wadahadal ula yeelan lahaa Maamulka Koonfur galbeed iyo dhameynta qaar ka mid ah cabashooyinka ka soo yeeray beelo dega Koonfur Galbeed oo kalsoonidii kala noqday Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa aad u xoojiyey amaanka magaalada Baydhabo waxaan la soo dhoobay ciidamo gudaha magaalada Baydhabo.
A/Cawale
Halgannet